Archives for February, 2011

Sheeko xariiro Part-1


Sheeko Xariir part-1 Waxaa la yiri afar waraabo oo markey dhalinyarada ahaayeen is aqoon jiray, ayaa isku yimaadeen markii aay gaboobeyn, waxayna iska warsadeen xaaladooda, weliba midba wixii lagu tix galin jiray, ama si gaar ah laagu aqoonsanaa in uu ku horeeyo. Mid ayaa wuxu ku tilmaamnaa in uu aad u dheereeyo oo aan caga […]


Ha ku Ciyaarina Caruurtiina


Aflagaadadu way ka xuntahay in la dilo caruurta, waxay qalbigooda ku reebtaa nabar aan waligiis ka go aynin. Waxaa lagu ogaaday baaritaano badan oo lasameyey in Caruurta loo koriyo sida silica ah islamarkaana ay koriyaan waalid ay dareemayaan caruurtu in aysan qiimanaynin. Ha ku ciyaarina caruurtiina! Waxaan ku bilaabaynaa magaca Allah salaana korkiisa ha ahaato […]

Muhiimada xariirka caruurta & waaridka part-2


Waalid kasta waxa uu jecel yahay in ilmihiisu marka uu waynaado ama qaan gaaro noqdo mid edab iyo akhlaaq leh, isla markaana u hana qaada sidii uu niyada ku hayey muddadii koritaankiisa uu ku guda jiray. Sidaa darteed horta ma is waydiisay intii uu yaraa ilmahu, xiriir noocee ah ayaa idinka dhexeeyay? Culimada aduunka ee […]

Internetka iyo dhibaatooyinka uu u geysto caruurta. part-3


Internet-ku waa hormar la taaban karo ee casriggan la joogo tiknoolajiyadda laga gaaray. Waa shabakad balaaran oo aad ka heli karto macluumaad kasta oo aad u baahantahay. Waxa uu aad u fududeeyey iswaydaarsiga macluumaadka iyo kala qaadashada wararka iyo Isgaarsiinta dunidu u baahantahay. Waxa aad dhihi kartaa waxa uu aduunka ka dhigay sidii xaafad yar […]

MAROODI IYO DABAGAALE


Sheeko caruureed. Beri baa waxaa jirey Maroodi iyo Dabagaale saaxiib ah. Wey wada cayaari jireen. Waxay u dabaal tagi jireen webiga. Markasta oo ay dabaal tagaan inta Maroodigu kor u qaado Dabagaalaha ayuu biyaha dhexdooda dhigaa, markaasna faraha ayuu ka qaadaa, dabadeedna biyeha ayuu ku wareeraa dabagaalaha. Dabagaaluhu maalin walba wuxuu ka soo baxaa biyaha […]

CUMAR IYO WARAABE


Sheeko. Beri baa waxaa jiray wiil la yiraahdo Cumar Beenaale. Wiilkaas oo ari u raaci jiray reero tuulo degan. Wuxuu ariga u daaq geyn jiray kayn geedo badan oo tuulada agagaarkeeda ah. Wuxuu dadka ariga leh bishii ka qaadan jiray qadar lacag ah. Maalin maalamaha ka mid ah ayuu jeclaystay inuu magaalada tago, si taasi […]

DAWACO IYO YAXAAS


Sheeko caruureed Beri baa dawaco walaasheed la aroosayey, markaas waxay rabtey in ay ka qaybgasho arooska walaasheed kana mashxaraddo (alla-laas) kana cayaarto, hase ahaatee waxaa layiri Dawacadu malahayn carrab ay ku mashxaraddo oo carrab ba laguma abuurin. Markaa waxay kolba u tagtaa xayawaanka kale oo waydiisataa carrab ay ka amaahato (daynsato). Siddii ay u wareegaysay […]

Ninkii Cilmiga Siyaasadda bartay


Sheeko Waxa la yiri beri baa laba nin oo isku reer ahi socdaaleen. Waxay ku socdeen meel cilmiga lagu soo barto ayagoo doonaya inay cilmiga diita bartaan. Waxay socdaanba waxay ku soo baxeen degmo boqor Jaahil ahi xukumo. Degmedii bay u hoydeen, subaxdiina way ka amba baxeen. Waxay sii socdaanba meeshii cilmiga lagu baran jiray […]

sheeko


CIGAAL IYO COL Beri baa waxaa jiray beel meel wada deggenayd. Cigaal Shiidaad reerkiisuna beeshaas ayey ka mid ahaayeen. Maalin waxaa beeshii soo dhex galay dhiilo, col ayaa la sheegay. Cigaal xaaskiisii ayaa maqashey markaas ayey oradey oo ninkeedii ku tiri, “war waxa la sheegeyaa col ee ka kac meesha oo raga soo wareyso.” Cigaal […]

Sheeko


JIIR (DOOLLI) Bari baa waxaa jiray Jiir badan (Doolli). Maalin maalmaha ka mid ah ayey isa soo raacey markaas ayey yimaadeen guri Bisado (Mukulaalo) leeyihiin oo aad u qurux badan, ayna yaalaan bootaro (Boolbaro) midabo badan leh. Mid ka mid ah Jiirkii ayaa marsadey midab dahabi ah, dabadeedna wuxuu isku eegay (fiiriyey) muraayad guriga u […]

sheeko caruureed


LAX IYO RI’ Beri baa waxaa wada deganaa Lax iyo Ri’. Waxaanay wada lahaayeen guri qurux badan. Maalin ayaa ridii iyada oo gurigoodii ku socota waxay aragtay mas aqalkoodii ka soo baxaya, Ridii way carartay iyada oo naxsan markaasay ku tiri, “Laxdii waxaan arkay mas aqalkeena ka soo baxaya.” Laxdii baa tiri, “I tus maska.” […]

waa taajirnimo in aad taqaano luuqadaada hooyo.


WAA TAAJIRNIMO INAAD TAQAANO LUQADO BADAN • Marka ilmuhu barto afka-hooyo iyo luuqadda iswidhishka waxa u suuro geli inuu barto dhaqankiisa iyo kan iswidhiska. • La hadla oo la sheekeysta ilmihiina una ogolaada in aay inla fariistaan markaad sheekeysanaysaan. • Uga sheekeeya sheekooyin iyo taariikho taa waxay u kobcinaysaa luuqadda iyo garaadka. • U akhri […]

Habka ugu wanaagsan ee wax loo barto


Habka ugu wanaagsan ee wax loo barto Habka ugu wanaagsan ee wax loo barto, waxa ugu horreeya in marka horeba aas waxbarashadda isku diyaariso, lana timaado shuruudo ku habboon. Shalay dugsigii dhexe iyo kii hooseba masuuliyadda waxbarashaddaada iyo mustaqbalkaagu adiga gacantaada kuma wada jirin, waxaad haysatay kaalmo. Haddii aad xasuusato miiska aad wax ku akhrinayso […]

Raali galin


Asc aqyaarta salaan sare. Salaam kadib bogga waxaa ku socda dib u habeyn ee raali ahaada haddii intii aad waxdalbato kuu soo bixi waaye. Waad ku mahadsantahay booqashadda aad soo booqatay bogga. AsadU.k.