sheeko caruureed

· Uncategorized
Authors

LAX IYO RI’
Beri baa waxaa wada deganaa Lax iyo Ri’. Waxaanay wada lahaayeen guri qurux badan. Maalin ayaa ridii iyada oo gurigoodii ku socota waxay aragtay mas aqalkoodii ka soo baxaya, Ridii way carartay iyada oo naxsan markaasay ku tiri, “Laxdii waxaan arkay mas aqalkeena ka soo baxaya.” Laxdii baa tiri, “I tus maska.” Markaas ayey israaceen si ay maska u arkaan, waxay arkeen maskii oo guriga albaabkiisa fadhiya oo raba wixii guriga soo gala in uu cuno. Dabadeedna wey ka carareen gurigoodii. Waxay u tageen Daanyeer dhex jooga beer muus (Moos) ah, markaas ayey ku yiraahdeen, waxaanu u baahan nahay cunto, biyo, iyo guri aanu seexanno.
Daayeerkii markii ay u sheegeen dhibaatada ku dhacday aad ayuu uga xumaaday. Oo wuxuu u keenay cunto, iyo biyo. Markay cuntadii dhameeyeen wuxuu geeyey guri quruxbadan oo uu ka sameeyey caleenta muuska. Waanay ugu mahad celiyeen soo dhawaynta wanaagsan ee u fidiyey. Daanyeerkii wuxuu yiri, “gurigan aad caawa seexanaysaan idinka ayaa iska leh laga bilaabo caawa.” Dabadeedna wuxuu waydiistay in ay la joogaan si ay iskaga weheshadaan wixii soo weerara. Sidaas ayeyna saddexdoodii ku saaxiibeen.

Asad Moallim.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: