DAWACO IYO YAXAAS

· Uncategorized
Authors

Sheeko caruureed
Beri baa dawaco walaasheed la aroosayey, markaas waxay rabtey in ay ka qaybgasho arooska walaasheed kana mashxaraddo (alla-laas) kana cayaarto, hase ahaatee waxaa layiri Dawacadu malahayn carrab ay ku mashxaraddo oo carrab ba laguma abuurin. Markaa waxay kolba u tagtaa xayawaanka kale oo waydiisataa carrab ay ka amaahato (daynsato). Siddii ay u wareegaysay ayaa markii danbe waxay u tagtay Yaxaas jiifa wabiga qarkiisa (jiinkiisa), markaas ayey waxay ku tiri, “Yaxaasow waxaan kaa codsanayaa in aad i amaahiso carrabkaaga? Waayo walaashey ayaa la aroosayaa. Markaa in aan ka mashxarado arooska walaashey ayaan rabaa.” Marka aroosku dhamaadana waxan kuugu soo celinayaa degdeg. Sidaas ayuu Yaxaaskii ku amaaneeyey carrabkiisii isaga oo ku adkaynaya inay u soo celiso.
Dawacadii waxay tagtay arooskii walasheed oo ay habeenkii oo dhan ka mashxaradaysey. Markii arooskii dhamaaday dawacadii uma celin yaxaaskii carrabkiisii. Yaxaaskiina wuxuu sugayey in ay dawacadu soo celiso carrabka. Xayawaankii kale ayaa waxay dawacadii ku yiraahdeen, naa dawaco maad carrabka u celisid yaxaaska? Dawacadiise waxay ku jawaabtay, “muddo badan ayaan cunto ii dhadhamin sidaa daraaded celinmaayo carrabka.” Waxaa layiri yaxaasku sidaas ayuu ilaa iyo hadda u carrab la’yahay. Cuntadana wuu liqaa isaga oon calalin. Dawacadu matagto meel biyo leh oo waxay ka cabsanaysaa Yasaaxka.

Asad Moallim.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: