sheeko

· Uncategorized
Authors

CIGAAL IYO COL
Beri baa waxaa jiray beel meel wada deggenayd. Cigaal Shiidaad reerkiisuna beeshaas ayey ka mid ahaayeen. Maalin waxaa beeshii soo dhex galay dhiilo, col ayaa la sheegay. Cigaal xaaskiisii ayaa maqashey markaas ayey oradey oo ninkeedii ku tiri, “war waxa la sheegeyaa col ee ka kac meesha oo raga soo wareyso.” Cigaal wuxuu ku jawaabey, “Naa weligaa ayaad balaayo sheegtaaye dhiilo hana gelin, ee dhibaatada naga daa.” Xaaskii baa tiri, “Waar warka dadka oo dhan ayaa sheegeya ee adigu raga la soo sheekayso.” Intii Cigaal iyo xaaskiisii warkii isku hayeen ayaa qaylo soo yeertay. “Hayaay! waar ka kaca! Waar ka kaca! waa coleey!”
Xaaskii ayaa tiri, “waar meesha ka carar.” Cigaal wuxuu yiri, “Naa carar meel ku gaari maayee raro i saar oo waxaad tirahdaa, ninkaygii wuu dhintey alla goblamayeey.” Inta ay raro saartey ayey xaaskiisiina baroor ayey bilowday. Cigaal wuxuu dhaliilay oohintii xaaskiisa, oo intuu raradii iska rogay yiri, “Naa codka kor u qaad oo aad u barooro.” Xaaskii oo weli qaylinaysa ayaa colkii u yimi, markas ayaa colkii ku yiri, “naa maxaa ku hellay, oo goormuu ninku kaa dhintay?” xaaskii oo aan weli jawaabin ayuu raradii hoosteedii ka qayliyey oo yiri, “Naa shaley buu dhintay dheh.” Colkii inta ay yaabeen ayey yiraahdeen war inaga keena ninkan hore ayuu u dhintee. Cigaal shiidaadna sidaa ayuu ku badbaadey.

Asad Moallim.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: