Ninkii Cilmiga Siyaasadda bartay

· Uncategorized
Authors

Sheeko
Waxa la yiri beri baa laba nin oo isku reer ahi socdaaleen. Waxay ku socdeen meel cilmiga lagu soo barto ayagoo doonaya inay cilmiga diita bartaan. Waxay socdaanba waxay ku soo baxeen degmo boqor Jaahil ahi xukumo. Degmedii bay u hoydeen, subaxdiina way ka amba baxeen. Waxay sii socdaanba meeshii cilmiga lagu baran jiray bay gaareen. Markaasay tacliintii galeen.
Cilmigii diinta markii ay dhameeyeen ayaa labadii nin midi yiri “Waar cilmigii dhamaynaye aynu degmadeenii ku noqono”. Markaasuu kii kale yiri: “Waar anigu ilaa aan cilmiga siyaasadda barto tegi maayo”. Markaasuu iskaga tegay oo degmadoodii ku noqday. Ninkii sii socodkii buu sii maray beeshii boqorka Jaahilka ahi xukumi jiray. Salaadii Jimcaha oo boqorkii tujinayo ayuu la tukaday. Markii salaadii laga baxay ayuu boqorkii qudbad labaad jeediyay. Ileen waa Jaahile Quraankii iyo Xaadiistii ayuu ku galgashay oo wax iskaga hadlay. Ninkii cilmiga diinta soo bartay baa is hayn kari waayay oo intuu kacay oo boqorkii ka barbar qudbadeeyay. Wax alaale wixii uu boqorku ku hadlay buu barkumataal iyo baabah ka dhigay. Boqorkiina askar buu ku dalbaday ninkii. Markaasaa ninkii inta Masaajidkii laga dhex qabtay la xiray.God madow baa lagu riday.
Laba sanadood ka dib baa ina adeerkii oo cilmigii siyaasada soo bartay beeshii boqrka Jaahilka soo dhex maray. Isagu ma oga in ina adeerkii la xiray. Siddii ninkii ka horeeyay buu salaadii Jimcaha la tukaday. Markii Salaaddii laga baxay ayuu boqorkii wixiisii ku hadlay. Markuu dhameeyay ayuu ninkii cilmiga siyaasada soo bartay gacanta taagay. Markaasuu boqorkii u ogolaaday inuu hadlo. Ninkiibaa wuxuu yiri; “Maxaa boqorkiina xigmad loo dhiibay”. Markaasuu qudbadii boqorka amaanay oo qurxiyay. Wuxuu amaanaba wuxuu yiri: “Aduunyada waxa ugu nasiib badan ninka boqorkaa afar Jimce la tukada, waxa’se ka sii nasiib badan ninka tin madixiisa ka goosta!” Markaasaa dadkii intay jidboodeen boqorkii madaxa lagaga booday oo timihii oo dhan laga rifay. Ileen waa Musaajid dhane makuu dusha looga bowday boqorkii baa naftii ka booday. Beeshii baa ninkii cilmiga siyaasadda soo bartay boqortay. Markaasuu ina adeerkii oo timihii ku baxeyn godkii ka soo saaray..

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: