Sheeko xariiro Part-1

· contact us
Authors

Sheeko Xariir part-1
Waxaa la yiri afar waraabo oo markey dhalinyarada ahaayeen is aqoon jiray, ayaa isku yimaadeen markii aay gaboobeyn, waxayna iska warsadeen xaaladooda, weliba midba wixii lagu tix galin jiray, ama si gaar ah laagu aqoonsanaa in uu ku horeeyo. Mid ayaa wuxu ku tilmaamnaa in uu aad u dheereeyo oo aan caga lagu gaari kairn, waxa la waydiiyay bal kawaran dheerayntaadii? Wuxuu yiri: Oradkii waan gaabiyey, ha yeeshee darmaan fardood orodkaan kaga dhergaa. Mid kale ayaa waxa la tilmaamay in uu aad u indha dheeraa oo meel fog wax ka arki jiray, waxa la weydiiyay bal ka waran aragtidaadii fiicneed? Wuxuu yiri: hadda sifiican wax uma aan arko laakiin, gudcur roobabeed irbad biya dhex socota waan arkaa.Midkii seddexaad oo lagu yiqiin dhega fududaan in uu meel fog wax ka maqlo. Waxaa la yiri, bal ka waran sidee hadda wax u maqashaa? Wuxuu ku jawaabay: war dhega meesha kuma hayo, ha haatee todoba tog kan u shisheeya sagaarada ka raamsaneysa waan maqlaa. Ugu dambayntii kii ilkaha ku xooga badnaa, ayaa waxa la weydiiyey bal sida ay ilkihiisii xooga badnaa markii aad gabowday noqdeyn? Wuxuu yiri: waan ilka beelay oo hadda kuraankur dameeraad marki aan gawska geliyo waxan is iraahdaa ma han baa mise waan keli.
Asad Moallim.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: