Laba Nacas

· contact us
Authors

Labada nacas ayaa beri waxay qasheen neef ari ah markaasay hilibkii shiisheen dabadeedna haan weyn ka buuxsadeen.

Aroortii dammbe markii waagu beryey ayey xoolahoodii raaceen. Iyagoo xoolii la jooga meel ka fog gurigoodii ayuu nin socota ahi kula kulmay.

Ninkii wuxuu waydiiyey in ay u tilmaamaan jidkii uu u marilahaa tuule uu ku socday.

Labadii nacas ninkii waxay ku yiraahdeen “jidkaa raaca , guri ayaa dhanka bidix ku arki doontaa, waa gurigayagii ee ha galin oo iska dhaaf, haddii aad gashid guriga haan weyn baa dhex taal, haantaana hilib shiilan baa ku jira ee haw dhawaanin oo ha cunin, haddii aad taabatana in yar ka cun oo ha ku fogaanin oo hanaga dhamayn”-

Ninkii markuu erayadaa maqlay ayuu si deg deg ah jidkii u qaaday isagoo la yaaban hadalka nimanka, waayo ninku dhawr maalmood buu socoto ahaa, gaajo xun oo aad u xunna way haysay.Markuu cabaar socday ayuu gurigii ku soo baxay, markaasuu aad u farxay oo gurigii deg deg u galay ilayn wuu gaajoonayee, wixii hilib haanta ku jirayba wuu cunay, markaasuu jidkiisii cagta saaray oo uu socdaalkiisii sii watay.

Labadii nacas galabnimadii ayey gurigii ku soo noqdeen, markay gurigii soo galeen ayey arkeen haantii hilibku ku jiray oo maran, markaasay yaabeen oo ay is weydiiyeen cidda hilibka cuntay, waayo kamay fikirn in uu ninkii socotada ahaa cunay.

Asad Moallim

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: