Taariikhda dhulka Soomaaliyeed

· contact us
Authors

Dalka Soomaaliya waxa uu ku yaalaa geeska Africa wuxuuna ku fadhiyaa dhul baaxadiisu dhantahay 635.541km2, waxana uu xuduud la wadaagaa Bari waxaa ka xiga Badweynta hindiya, waqooyina waxaa ka xiga Jabuuti, Galbeedna dalka Itoobiya, halka koonfur galbeedna uu ka xigo dalka Kenya.
dalka Soomaaliya waxa uu yahay dalka labaad ee ugu xeebta dheer qaaradda Africa wuxayna leedahay xeeb dhirirkeedu tahay 3333km.
Tirada dadka Soomaaliyeed waxaa lagu qiyaasaa 10,000,000 oo qof.
60% Soomaalidu waa dad reer baadiya ah , 20% waa dad reer magaal ah, 15% waa dad beeralay ah iyo  5% oo ah dad Kaluumayato ah.
khubarada ka faaloota taariikhda dalka Soomaaliya waxa ay sheegeen in erega Soomaaliya uu ka taaganyahay labo eray oo la’isku geeyay, kuwaasi oo kala ah (Soo-Maal), iyadoo eraga Soo macnihiisa loola jeedo Soco, halka ereyga Maal uu macnihiisu ka soo jeedo Lis.
Marka labadaasi eray la’isku daro waxaa uu noqonayaa (Maal Saca).

Khubarada qaarkood waxa ay sheegaan in magaca Soomaali uu asal ahaan ka soo jeedo ereyga carabiga ee ah (Duu-maa) oo fasir ahaan la macna ah Shacab xoolo badan leh.
Sooyaalka taariikhda qadiimiga ah waxaa iyadana laga helayaa macno kale iyadoo khubaraduna ku doodayaan in ereygaasi uu ka yimid Samaala  oo micnihiisu yahay ninkii waranka Dheeraa.
Samaala ayaa la sheegaa in uu ahaa ab iyo waziirkii ay ka soo farcanmeen dadka Soomaaliyeed (Aw-Samaale).

Taariikh ahaan dalkayagu waxa uu lahaan jiray xadaarad facween waxaana dalkeena loo aqoon jiray magacyo badan sida Dhulkii udgoonaa , Dhulkii eebe iyo Geeska Africa.

Caasimadda dalkeena waa Muqdisho, tan labaadna waa Hargeysa, tan sadaxaadna waa Kismaayo, tan afaraadna waa Burco, halka tan shanaadna waa Baydhabo, goboladii ugu horeeyay ee xornimadiisa qaata dalkeena waxa uu ahaa gobolka Waqooyi waxaana xornimadooda ay qaateen 26kii bishii June sanadii 1960kii halka gobolada kale ee koonfurtana ay xornimadooda qaateen 1-dii bishii Luulyo sanadii 1960kii.
Shirkii gumeestayaasha Africa ee lagu qeybsaday Africa ee ka dhacay Baar-liin 1884-tii ayaa dalka Soomaaliya loogu qeybiyey 5qeybood waxana shantaasi qeybood ay kala ahaayee:

  • Gobolada Waqooyi oo la siiyay gumeestihii Ingiriiska.
  • Gobolada koonfureed oo la siiyay gumeystihii Talyaaniga.
  • Xeebta Soomaaliyeed ee Jabuuti ee loo dhiibay gumeystihii Faransiiska.
  • N.F.D oo iyadana la siiyay dalka Kiiniya.
  • Iyo gobolada  Soomaali galbeed oo gacanta loo geliyay Dawladda Itoobiya.

shantaan gobol waxaa la isku yiraahdaa shanta Soomaaliya taariikhdu markii ay eheyd 27kii bishii June sanadii 1977 ayay Jabuutina xornimadeeda qaadatay, waxaasa wali gacanta gumeestaha ku jira Soomaali galbeed iyo N.F.D.

Hadaba markii ay xurnimada qaateen gobolada Koonfureed sanadii 1960kii waxay ahaayeen lix gobol oo kala ahaa gobolka Banaadir, gobolka Hiiraan, Gobolka Mudug iyo Gobolka Bari sidoo kale waxaa iyana ku soo darsamay goboladii waqooyi ee iyaguna isla sanadkaas xornimada qaatay waxayna ku soo darsadeen koonfurta labadii gobol ee xiligaasi gobolada waqooyi la’isku oran jiray, ee gobolka Waqooyi, Galbeed iyo gobolka Togdheer waxana ay isku noqdeen goboladii jamhuuriyadda sideeda gobol, markii uu kacaankii milatariga ahaa dalka Qabsaday ee la qaaday ololihii horumarinta reer miyiga ee sanadii 1973dii ilaa 1974tii xiligaasoo ay timid baahi ween oo ahayd in la magacaabo gobolo kale markaas waxaa sideedii gobol lagu kordhiyay todobo kale waxayna tirada gobolada dalka noqdeen shan iyo toban gobol Bilowgii sanadii 1980kii waxaa lagu kordhiyay gobolka Jubada dhexe, dabayaaqadii sideetameeyadii ayaa iyana la magacaabay gobolada Sool iyo Awdal xiligaasoo tirada gobolada dalku noqdeen sideed iyo toban gobol.

Shaxda Gobolada iyo Degmooyinka Dalkeena.

  1. Gobolka Banaadir.

Shingaani Hodan Howlwdaag Shibis
Boondheere Yaaqshiid Kaaraan XamarJabjab
Xamarweyne Cabdicasiis Wadajir Waaberi
Wardhiigley Heli waa Dharkiinley Dayniile

Dhaqaalaha gobolka Banaadir waxa uu ku tiirsanyahay Ganacsiga. 
   2.   Gobolka Shabelada Dhexe.

Jowhar Balcad Cadale
Aadanyabaal    

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay jowhar, dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay Beeraha
   3.   Gobolka Hiiraan.

Beledweyne Buuloburte Jalalaqsi
Matabaan    

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Beledweyne, dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool iyo beeraha.

     4.   Galguduud.

Dh/mareeb Caabudwaaq Ceelbuur
Ceeldheer Cadaado  

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Dhuuso mareb dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool.
     5.   Gobolka Mudug

Gaalkacyo Hobyo Jariiban
Xarar dheere. Galdogob Burtinle

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Mudug dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool.
     6.   Nugaal.

Garoowe Eyl Sinujiif
Boocane Rabaable  

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Garoowe dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool.

  7.   Gobolka Bari.

Boosaaso Qandala Iskushuban
Bandarbayla Caluula Qardho

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Boosaaso dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay Ganacsiga iyo Kaluunka.

  8.   Sool.

Laascaanood Xudun Caynabo
Taleex    

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Laascaanood dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool.

  9.   Sanaag.

Ceerigaabo Laasqoray Ceel afweyn
Baran Buraan  

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Ceeri gaabo, dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool gaar ahaan ariga.

 10.   Togdheer.

Burco Owd weyne Sheekh
Buuhoodle    

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Burco, dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool gaar ahaan geela iyo ariga.

  11.   Gobolka waqooyi galbeed.

Hargeyso Berbera Gabiley

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Hargeyso dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay ganacsiga iyo xoolaha nool.

12.   Gobolka Awdal.

Baki Boorame Saylac
Lug haya.    

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Baki dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay ganacsiga iyo xoolaha nool.

13.   Gobolka Sh/hoose.

Marka Baraawe Qoryooley
Afgooye Wanlaweyn Kurtunwaarey
Sablaale.    

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Marko dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay beeraha iyo xoolaha nool.

14.   Gobolka Bay.

Baydhabo Buurhakaba Diinsoor
Ufurow Qansax dheere Bardaale.

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Baydhabo dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay beeraha iyo xoolaha nool.

15.   Gobolka Gedo.

Garbahaarey Luuq ganaane Doolow
Beled Xawo Ceelwaaq Baardheere.

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Hargeyso dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay Beeraha iyo xoolaha nool.

16.   Gobolka Bakool.

Xudur Waajid Yeed

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Hargeyso dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay ganacsiga iyo xoolaha nool.

17.   Gobolka Jubada Dhexe.

Bu’aale Dajuumo Baardheere
Saakow Jilib  

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Bu’aale dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay Beeraha.

18.   Gobolka Jubada Hoose.

Kismaayo Afmadow Badhaadhe

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Hargeyso dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay ganacsiga iyo xoolaha nool gaar ahaan Lo’da.

Dhererka u dhexeya Gobolada dalka.

Shaxda soo socota ayaa waxa ay muujinaysaa fogaanta u dhexeysa Gobolada dalkeena iyo magaala madaxda.

Xamar

247km Baydhabo  

Xamar

550km

Dhuusomareeb

Xamar

111km Marka  

Xamar

1600km

Hargeysa

Xamar

90km Jowhar  

Xamar

1220km

Laascaanood

Xamar

335km Beledweyne  

Xamar

925km

Garoowe

Xamar

485km Bu’aale  

Xamar

1505km

Boosaaso

Xamar

500km Kismaayo  

Xamar

1800km

Baki

Xamar

430km Xudur  

Xamar

1340km

Burco

Xamar

505km Garbahaarey  

Xamar

1450km

Ciiregaabo

Xamar

750km Gaalkacyo  

 

 

 

 

Hadaba shaxdan kalena waxa ay qayexeysaa fogaanta ay isu jiraan qaybo ka mid ah magaalooyinka dalkeena Soomaaliiya.

Muqdisho

30km

Afgooye   Afgooye

164

Buurhakaba
Buurhakaba

66km

Baydhabo   Baydhaba

150km

Luuq
Baydhaba

155km

Xudur   Luuq 

80km

Doolow
Luuq

69km

Garbahaarey   Garbahaarey

129km

Baardheere
Baardheere

195km

Baydhaba   Baardheere

260km

Jilib
Jilib

114km

Kismaayo   Kismaayoq

139km

Afmadow
Kismaayo

195km

Dhoobley   Muqdisho

113km

Marka
Marka

193km

Baraawe   Baraawe

168km

Jilib
Muqdisho

95km

Jowhar   Jowhar

121km

Buuloburte
Buuloburte

116km

Beledweyne   Beledweyne

45km

Feerfeer
Jowhar

140km

Cadale   Cadale

185km

Ceeldheer
Ceel dheer

162km

Ceel buur   Ceel buur

110km

Sindago
Sindago

164

Beledweyne   Sindago

220km

Gaalkacyo
Gaalkacyo

256km

Hobyo   Gaalkacyo

260km

Garoowe
Garoowe

219

Eyl   Garoowe

222km

Qardho
Qardho

258km

Boosaaso   Qardho

221km

Bandarbayla
Iskushuban

280km

Caluula   Caluula

40km

Bareeda
Caluula

105km

Baargaal   Garoowe

132km

Laascaanood
Laascaanood

141

Ceeldhaab   Ceeldhaab

255km

Ceerigaabo
Ceeldhaab

120

Burco   Burco

148km

Berbera
Hargeysa

177km

Burco   Hargeysa

70km

Gebiley
Gebiley

52km

Boorama   Boorama

269km

Saylac
Saylac

21km

Lowyacado   Xudur

115km

Yeed
Xudur

242km

BuuleBurte    

 

 

 

Kheyraadka Dabiiciga ee Soomaaliya.

Dalkeena waxa uu leeyahay kheyraad fara badan oo aanan halkaan ku soo koobi karin waxaasa ka mid ah kheyraadka dalkeena laga helo:

            Xoolaha la dhaqdo kuwaasoo loo qeybiyo afar qeybood kalana ah Geela Lo’da oo iyagu la’isku yiraaho Ishkin, Idaha iyo Eriga hadii aynu eegno magacyada loogu kala yeero noocyada xoolaha ayaa waxa ay kala yihiin:
             1. Geela kan lab waxaa loogu yeeraa Rati kan dhadigna Hal marka ay yaryaryihiina waxaa la yiraahdaa Nirig iyo Qurbac.
             2. Lo’da neefka lab waxaa loogu yeeraa Dibi kan dhadigana Sac marka ay yaryaryihiina waxaa loogu yeeraa Wayl iyo Wayl ama Aalo.
              3. Riyo riyaha neefka Lab waxaa lagu magacaabaa Orgi kan dhadigna waxaa lagu magacaabaa Ri marka ay yaryaryihiina waxaa lagu magacaabaa Waxar iyo Waxar ama Maqal.
              4. Ido idaha neefka lab waxaa la yiraahdaa Wan (Sumal) kan dhedigana waxaa la yirahdaa Lax (Sabeen) marka ay yaryaryihina Nayl ama Baraar.

              Dalagyada Soomaalidu Beerato ayaa waxa ay yihiin dalagyo aad u wanaagsan isla markaana aan ka bixin wadamada africa qaarkood waxana shaxda hoos ku qoran ay muujinaysaa magaca dalaga iyo inta uu ku bislaado:

Magaca

inta ay ku bislaato

Galayda

90 beri

Masagada

90beri

Sisinta

90beri

Muuska

180beri

Digirta

80beri

Yaanyada

80beri

Babayga

90beri

Bataatiga

180

Lowska

120

Canbaha

6sano

   

 Magacyada Geed miroodka ka baxa dalkeena ayaa waxa ay kala yihiin.

Hohob Mareer Gud Dhafaruur Dhuwan Ontoro
Deegaan Dhebi Gob Miracas TukeLalmi Murcood
Kobash Askax Shanfarood Barde Dhamaag Qoone

  Wax soo saarka Badda dalkeena Soomaaliya waxa uu leeyahay labo badood oo kala ah Badda Cas iyo Badweynta Hindiya waana dal ay dhamaantiis ku dharersantahay Bad laga soo biloobo Cirifka Koonfureed ee Raaskambooni ilaa Cirifka Waqooyi ee Raascaseyr, magaalooyinka dhaca xeebaha waxaa ugu caansan saylac, berbera, caluula, boosaaso, iskushuban bandarbayla, hobyo ,muqdisho, marka ,baraawe, kismaayo 
    Wabiyada dalkeena Dalkan Soomaaliya waxaa mara labo wabi oo kala ah Jubba iyo Shabele waxayna ka yimaadaan dalka Itoobiya waxaana ugu dheer Webiga Shabele oo dhererkiisu uu gaarayo 1500km, waxaase ugu weyn uguna biyo badan webiga Jubba oo dhererkiisu uu gaarayo 800km.
     magaalooyinka ay dalka ka maraan hadaan soo qaadano webiga Shabele wuxuu dalka ka soo galaa xadka uu gobolka Hiiraan la leeyahay dalka Itoobiya meel u dhow magaalada Feer-feer wuxuuna soo maraa magaalyooyinka Beledweyne, Buuloburte, Jowhar, Balcad, Agooye, Jannaale wuxuuna ku dhamaadaa meesha la yiraahdo Dhaytubaako oo u dhexeysa Jilib iyo Shalaanbood, Wabiga Jubba isagu waxa uu dalka ka so galaa Xuduuda uu gobolka Gedo la leeyahay dalka Itoobiya wuxuuna soo maraa magaalooyinka Doolow Luuq Baardheere Bu’aale Jilib, Mareerey Kabsuuma iyo Jamaame wuxuuna ku dhamaadaa oo uu badda kaga darsoomaa meesha la yiraahdo Goobweyn oo Kismaayo u jirta 25km.

Maalmaha dalkeena lagu qadariyo oo la xasuusto ayaa waxaa ka mid ah”
                 1.     26kii Juun 1960kii xornimadii gobolada Waqooyi.
                 2.     1dii Luulyo 1960kii midoobidii Gobolada waqooyi iyo Koonfur.
                 3.      1dii luulyo 1960kii xornimadii Gobolada koonfureed.
                 4.      12ka Abril Aas aaskii calanka iyo maalinta xooga dalka Soomaaliyeed.
                 5.       8da Maarso maalinta haweenka Soomaaliyeed
                 6.      5tii Octobar 1949kii dagaalkii dhagax tur iyo hanoolaato.
                 7.      27kii Juun 1977kii xornimadii dalka Jabuuti.
                 8.      15kii Maajo 1943kii aasaaskii ururka S.Y.L
                 9 .     bishii Ocotobar 18-20 1971kii shirkii ururka midowga Africa ayaa lagu qabtay Xamar.
                10.    20kii bishii 12aad sanadii 1950kii aasaaskii booliska soomaaliyeed
                11.    21 octobar sanadii 1972dii qoraalkii farta Soomaaliga
                12.    16kii Febrayo 1974tii Soomaaliya waxay ku biirtay Jaamacadda carabta.
                13.    1528-1542kii halgankii Axmed Gurey ee Itoobiya iyo Bortaqiiska.
                14.    1900-1921juu Gakgabkii Sayid Max’ed Cabdulle Xasan ee Ingiriiska.
                15.     1da April 1950kii heshiiskii Q.M iyo talyaaniga ee xornimo gaarsiinta Soomaaliya.
                16.    Bishii Luulyo 1960kii waxaa dalka madaxweyne u noqday Aadan Cabdulle Cismaan.
                17.    Bishii Juun 1967dii waxaa dalka madaxweyne u noqday Cabdi Rashiid Cali Sharma’arke.
                18.    bishii Octobar 1969kii waxaa dalka madaxweyne u noqday Max’ed Siyaad Barre
                19.   Warshadii kaluunka Laasqoray waxaa la aasaasay 1970kii
                20.   Warshadda dharka Balcad waxaa la aasaasay sanadii 1968dii
                21.   Warshadda sonkorta Jowhar waxaa la aasaasay 1962dii
                22.    Warshadda Caanaha Xanar waxaa la dhisay 1966kii
                23.     Warshadda Hilibka ee Kismaayo waxaa la dhisay 1973kii.

W/Q: Asad Moallim

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: