Been Hawaas iyo Sagaalkiisii Dameer

· contact us
Authors

Sheeko Xariiro.

Been Hawaas iyo Sagaalkiisii Dameer
Waxaa la yiri, Been Hawaas waxuu lahaa sagaal dameer, maalinkii dambe ayuu soo kaxeeyey dameeradii inuu soo waraabiyo. Been Hawaas ceelkii baa ku dheeraadey, wuu daaley markaasuu fuulay dameerihii midkood. Markuu meel dhexe marayo ayuu tiriyey dameerihii kuwii ka horeeyey oo dhan markaas beey noqdeen sideed. Dameerkii uu fuushanaa intuu ka degay ayuu tiriyey dameeradii hortiisa joogey oo dhan, markaasey noqdeen sagaal. Been Hawaas inta garan waayey waxa tirada dameeraha marna ka dhigaaya sideed marna sagaal. Waxuu u yeeray nin jidka maraayey, markaas ayuu yiri, “saaxiibow, dameeraha tiradooda baan ku wareerey.” markaasaa ninkii yiri, ” maxaan kaa caawiyaa?” Been Hawaas waxuu yiri,”markaan dameerka koro oon tiriyo dameeraha horteyda taagan waxay noqdaan sideed, markaan ka dego dameerka oon tiriyo waxay noqdaan dameerada tiradooda sagaal.” Markaasaa ninkii yiri,’tiri dameeraha anoo kula jooga tiri.” Been Hawaas baa tiro kula dhaqaaqey dameerihii, waxay noqdeen sagaal. Markaas buu hadana midkood inta fuuley baa uu tiro kula dhaqaaqey hadana, dameerahii waxay noqdeen sideed. Markaas baa ninkii yiri ma ku dartey tirada dameerkaad fuushantahay? Been Hawaas waxuu yiri, “maantoo dhan dameerkaan fuushanahay baan tirada ka ilaabaayey.”

Asad Moallim

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: